Siyaasi 25 qoys dhisay Mandheera

Image
Xildhibaan Xuseen Weytan ayaa isu guuriyay 25 dhalinyaro Rag ah iyo 25 Haween ah.

Mandheera (GO) - Xildhibaan Xuseen Weytan Maxamed oo ah xildhibaanka Bariga Mandheera ku matala aqalka Barlamaanka ee Kenya ayaa isu guuriyay 25 dhalinyaro Rag ah iyo 25 Haween ah.

Munaasabad ay si wayn uga soo qayb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaarisa ayaa Culimada caanka ah ee deegaanku isku mehriyeen 25 Rag ah iyo 25 Dumar ah.

"Haduu ilaahay idmo sanad kasta bisha u danbaysa 25 qoys ayaan dhisayaa. Waxaan kale oo aan gacanta ka saarayaa hadda qoys kasta bisha soo socota wixii kharash ay ku noolaan lahaayeen".

Arintaan ayaa bogaadin kala kulantay culimada deegaanka waxaana ay ku tilmaameen mid toos u taabanaysa dhaqanka iyo nolosha taran ee Bulshada deegaanka.

Dalalka Carabta ayaa horey dhacdooyin noocaan ah looga arki jiray balse wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu horeeyay ee ku dhiirada in uu ka hirgeliyo dadka uu matalo in uu qoysas dhiso.

Dhalinyarada dhulka soomaalidu degto ee geeska Afrika ayaa ah kuwa aad uga dhex muuqdo hardana siyaasadda hadana inta badan Siyaasiyiintu ma qabtaan waxyaabaha toos iyaga u taabanaya sida shaqo Abuurka iyo Guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM