Siyaasiyiin horleh oo ku qulqulaysa magaalada Baardheere

Image
Qaar kamid ah shaqsiyaadkan waa markii ugu horeysey oo ay tagaan gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Siyaasiyiin hor leh ayaa ka degey magaalada Baardheere, iyaga oo ku biirey kuwa halkaasi ku sugnaa muddooyinkii lasoo dhaafay, sidda ay xaqiijinayaan warbixinadda laga helayo illo war-gal ah.

Qaar kamid ah shaqsiyaadkan waa markii ugu horeysey oo ay tagaan gobolka Gedo. Xubnahaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Raabbi oo horey ugu tartamay xilka madaxtinimada Jubbaland 2019-kii.

Qulqulka siyaasiyiintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli lagu waddo in madaxwyane Xasan Sheekh Maxamuud uu u socdaalo gobolka Gedo si xal loogu helo cabashooyinka siyaasadeed ee taagan.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu todobaadyo kahor tagay Kismaayo halkaas oo uu kula kulmay madaxwayne Axmed Maxamed Islaam isaga oo kala hadlay arrimo ay ku jirto xalka xiisadda gobolka Gedo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay shirkaas ayaa xaqiijinaya in arrimo ay isku-waafaqeen ay kamid tahay socdaalka Xasan Sheekh ee Gedo iyo in uu qeyb ka noqdo xalinta tabashadda dadka degaanka.

Dhanka kale, warar ayaa ku waramaya in Baardheere laga furey xero lagu xareeyay ciidamo cusub, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u xoreynta Jubaland sida uu sheegay Senator Cabdullaahi Fartaag.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in uu doonayo yagleelida Jubaland mideysan si ay qeyb uga noqoto wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM