Somalia: Fadhigii Barlamanka oo baaqday
MUQDISHU- Guddoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa maanta joojiyay kulan ay isug yimaadeen 197 mudane, kaasi oo looga hadli lahaa hannaanka doorashada ee 2016, kaasi oo mudooyinkii dambe horyaallay golaha shacabka.
Kulankii maanta xildhibaanadu kusoo xaadireen ayuu guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu u sheegay in dib loo dhigay codkii loo qaadi lahaa arrintaasi.
Sababta ayuu ku tilmaamay inay la xiriirto shirarka Muqdishu uga socda saxiixayaasha hishiiskan, isagoo xusay in loo banayahay waqti iyo miraha kasoo baxa kulamadaas.
Isu-imaatinkii hore ayaa Xildhibaanada loogu qaybiyay qoraal ay soo gudbiyeen guddi ka kooban 21 xubnood oo loo xil saaray inay eegaan qodobadii lagu hishiiyay bishii April ee sannadkan, waxaana lasoo celiyay iyadoo wax kabadal lagu sameeyay qodobada qaybtood.
Fadhiga maanta ee baaqday ayaa qorshuhu ahaa in lagu soo saaro natiijada kama dambaysta ah ee golaha shacabka Somaliyeed gaareen, balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriir waqtiga.
Mudane katirsan Barlamanka oo lagu magacaabo Xildhibaan Nuur Faarax, ayaa GO u sheegay in sababta loo baajiyay ay tahay in waqti la siiyo mudanayaasha Barlamanka si looga soo fakaro go'aanka soo bixi kara.
"Adeer kulankii maanta waa baaqday oo ma qabsoomin, sababtuna waxay tahay in waqti la siiyo Xildhibaanada si ay usoo akhristaan qolaalkii loo gudbiyay islamarkaana loo helo waqti ku filan arrinta meesha taalla ee wax dhibaato ah majiraan," Sidaas waxaa Warsidaha u sheegay Xildhibaan Nuur Farax oo Muqdishu ku sugan.
Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli walaac xooggan laga muujinayay doorashada dalka Somalia gaar ahaan dib u dhac ku imaan kara, waxaana wararku sheegayaa in xaaladdu adagtahay maadama Xildhibaanadu ku adkaysanayaan in qodobada qayb laga saaro, halka maamul goboleedyadu kasoo horjeesteen, waxaan si cad u diiday maamulka Puntland oo meesha ka saaray awoodda hishiiskan ku leeyahay golaha sharci dajinta Somalia.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa qoraal ay soo saartay, waxay ku sheegtay in ka walaacsanyihiin xaaladda doorashada iyagoo xusay in dib u dhac ku imaan karo.
GAROWEONLINE