Soo celinta Soomaalida u xiran xabsiyada caalamka oo laga shiray

Image
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay dardargelinta hanaanka soo celinta muwaadiniintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Jaamac ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka "Soomaali Dunida Heshiis La ah".

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah kuna jira xabsiyo kala duwan.

Sida uu sheegay xafiiska Saalax, dadkan ayaa waxay yihiin kuwa baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen iyagoo nabad ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go'an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo.

Dowladda federaalka ayuu tibaaxay in ay muhiimad gaara siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM