Soomaalida ku sugan Suudaan oo lagu booriyey "taxadar dheeri ah"

Image
Dowladda federaalka ayaa ku tartarsiisay muwaadiniinta in ay raacaan tilmaamaha ay siineyso safaaradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinsadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Xasan Sheekh u sheegay hoggaamiyeyaasha kale sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan.

Xukuumadda Muqdisho ayuu tibaaay in ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalkeenna, xilliyadii adkaa.

"Dawladda Soomaaliya, iyadoo aad uga walwalsan xaaladda isa soo taraysa ee Sudan, waxay si dhab ah u rumeysan tahay in ay jirto fursad xaaladda sidii caadiga ahayd loogu soo celin karo haddii si togan oo bartilmaameed leh ay dhinacyada ku lugta leh xaaladda Sudan u falanqeeyaan baahida nabadeed ee ay Sudan qabto," ayuu tibaaxay.

Madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta ku nool dalkaas waxay ugu baaqdey in ay muujiyaan feejignaan iyo taxdar dheeraad ah ayna raacaan tilmaamaha ay siineyso safaaradda

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa ay ka rajaynaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan in ay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay raacaan dhammaan tilmaamaha ka soo baxa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan, iyadoo ay muhiim tahay in xiriir joogto lala sameeyo Wasaaradda iyo Safaaradda," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartey wasaaradda.

In ka badan 80 ruux ayaa ku naf-waayay qulqulatooyinka kasoo cusboonaadey Suudaan tan iyo Sabtidii todobaadkan. Khasaaraha dhaawaca ayaa la sheegay in uu ka badan 600 qof. Illaa haatan, lama soo warin muwaadin Soomaali ah oo ay waxyeelo kasoo gaartey dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM