Soomaaliya: Ajaanib ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Image

WAAJID, Soomaaliya - Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay 25 dagaalyahan ayaa Al-Shabaab looga dilay howlgalkaasi oo ay ku jiraan 5 Ajaanib ah, halka mid ka mid ah uu ahaa horjoogaha Ciidamada ay AS u yaqaanaan jabhadaha ee ka howlgala degmada Waajid.

Horjoogahan ajnabiga ah ayaa kasoo jeeda Tanzania, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Iyadoo gudoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool uu xaqiijiyay dilka qaar badan oo kamid ah dagaalyahanada AS, kuwaas oo caadeystey dhibaateynta shacabka.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya xili Al-Shabaab ay weerareen xero ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah ciidamada xooga, kaasi oo lagu dilay in ka badan 25 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM