Soomaaliya: Ajaanib ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Image

WAAJID, Soomaaliya - Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray.

Inta la xaqiijiyay 25 dagaalyahan ayaa Al-Shabaab looga dilay howlgalkaasi oo ay ku jiraan 5 Ajaanib ah, halka mid ka mid ah uu ahaa horjoogaha Ciidamada ay AS u yaqaanaan jabhadaha ee ka howlgala degmada Waajid.

Horjoogahan ajnabiga ah ayaa kasoo jeeda Tanzania, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Iyadoo gudoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool uu xaqiijiyay dilka qaar badan oo kamid ah dagaalyahanada AS, kuwaas oo caadeystey dhibaateynta shacabka.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya xili Al-Shabaab ay weerareen xero ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah ciidamada xooga, kaasi oo lagu dilay in ka badan 25 askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM