Soomaaliya: Al-Shabaab oo 120 xubnood looga dilay howlgal militeri

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dilay 120 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya labadii maalmood ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamadu ay fuliyeen 17 howlgal oo ka dhan ah kooxda argagixisada ah.

“120-ka sarkaal ee sarsare ee Al-shabaab ayaa ka mid ahaa 120-ka qof ee lagu dilay howlgallada, Isniintii ayay isaga carareen degmada Ceelgaras, wayna difaaci waayeen, howlgallada socda waa la wiiqay,” ayuu yiri Al-cadaala oo ku sugan jiida hore ee dagaalka. xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka, ma uusan sheegin khasaaraha soo kala gaaray ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka. Ciidamada ayuu ugu baaqay in ay si xoogan guryahooda uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah, islamarkaana ay ku raad joogaan inta deegaanada laga saarayo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM