Soomaaliya: Carruur aano qabiil loo dilay oo ka dhalatay xiisad dagaal

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deegaanka Qorof oo dhacda xadka Galmudug iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dhacdo xanuun badan. Shan Carruur ah oo aan waxba galabsan oo ka soo laabtay Xaflad aroos ah, ayaa la dilay kaddib markii rag hubaysan oo ujeeddadooda aargoosi ahayd ay weerar kusoo qaadeen xili ay jiifeen habeen hore Dugsiga Qur'aanka ku baran jireen.

Wiilashan la dilay oo isla-dhashay, ayaa kan ugu weyn wuxuu jiray 13-sanno, iyadoo la sheegay xilliga la dilayay ay kusii jeedeen Gurigooda, oo aan ka fogeyn goobta Dugsiga ay jiifeen.

Qoysaska dhibanayaasha ayaa falkan naxdinta leh ku macneeyay dagaal beeleed muddo soo jiitamayay oo u dhaxeeyay beelaha walaalaha ahi ee kala dega magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Dagaalkan oo ay hareeyeen colaad iyo xiisad ayaa gobolka ragaadiyay muddo sanado ah, taasoo sababtay in dad aan waxba galabsan ay ku nafwaayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid, oo kasoo jeeda Caabudwaaq ayaa sheegay in lasoo qaban doono, islamarkaana Maxkamad la keei doono kuwa dilka fuliyay. Xiisad ayaa ka dhalatay dilka, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaal abuurtay.

Wararka ku saabsan dhacdadan naxdinta leh ayaa saameeyay guud ahaan Soomaaliya, taasoo keentay cambaareyn ballaaran, waxayna sii hurisay baahida xooggan ee loo qabo caddaaladda iyo amni.

Dhibaatadan macno darada ah ee loo geystay Carruurta ayaa ah mid ku habsatay qaranka, taasoo keentay in lagu baaqo in si deg deg ah wax looga qabto dambiilayaasha, lana soo afjaro colaadaha soo noqnoqday.

Iyadoo ay bulshadu ka murugoonayso dhibaatadii foosha xumayd ee loo gaystay caruurtan aan waxba galabsan, dhacdadani waxay xasuusin buuxda u tahay baahida degdega ah ee dib u heshiisiin iyo nabadaynta gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ah in ay u midoobaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen sababaha keenay isku dhacyadan, ayna ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa wada noolaansho iyo isfaham dhex mara beelaha kala duwan ee gobolka wada dega.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM