Soomaaliya: Dal Musuq-maasuqa u yahay wado lagu Hogaamiyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalalka Soomaaliya, Lubnaan, Ciraaq, Liibiya, Suudaan iyo Suuriya ayaa dhawrkii sano ee u danbeeyay isku haystay kaalmaha hore dalalka Caalamka ugu musuq badan.

Dalalkaan ayaa ah kuwa uu boobka iyo wax isdaba marintu ay galeen dhinac kasta oo nolosha ah.

Dalkaan ayaa lagu tilmaamay mid madaxtinimadiisu ay tahay inta badan mid musuq loo maro iyo wax isdaba marin iyada oo ay taasi cadeeyeen warbixinada hay'addaha baara heerka musuqa.

Ciraaq oo kamid ah dalalka musuqu ragaadiyay ayaa la wariyay in 15 sano ee u danbaysay dhaqaalaha la musuq maasuqay uu gaarayo 45 Bilyan oo dollar.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe hadal hayn ka dhigatay la dagaalanka musuqa walaw taasi aysan waxba ka badalin wali in Soomaaliya ay tahay dalka dunida ugu musuqa badan marka la fiiriyo warbixinta sanad-laha ah ee hay'adda daah-furnaanta dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM