Soomaaliya iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis la xiriira Arrimaha Difaaca

Image
Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la billaabayo wajigii labaad ee 'AS'.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Itoobiya Abraham Belay ayaa kala saxiixay cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU), kaasi oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.

Heshiiskan ayaa laga golleeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.

Warqad ka soo baxday dowladda ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu abuurayo dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la billaabayo wajigii labaad ee howlgalka guud ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan wadamada safka hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM