Soomaaliya iyo Imaaraadka oo sameysanaya "guddi saaxiibtinimo"

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Ahmed Jumah Alromaith.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Ahmed Jumah Alromaith.

Aadan Madoobe iyo Danjire Alromaith ayaa "ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan".

"Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Khawaarijta iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya," ayuu yiri xafiiska Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Golaha Shacabka ayaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Villa Hargeisa ugu furmay tabbabar soconaya hal maalin oo ay bixinayso Hay’adda Max Planck Foundation For Peace and Rule of Law.

Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa Horumarinta Matalaadda Danaha Haweenka ee Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyo Hannaanka Sharci-dejinta.

Intii uu socday tababbarka waxaa ka faa’ideystay Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Xil. Haawo Sokor Cali ayaa soo xirtay tababbarka.

Haawo ayaa waxay si gaar ah ugu mahadcelisay khubarada bixinaysay casharka iyo Hay’adda Max Planck Foundation For Peace and Rule of Law oo soo abaabushay tababbarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM