Soomaaliya: Khadiija Daahir oo ku gacan-sayrtay go’aankii xilka qaadista

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Khadiija Daahir oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ayaa si cad maanta u cambaareysay go’aankii shaqada looga joojiyay. Kaas oo uu soo saaray ku xigeenkeeda, Faarax Cali Macalin, khilaafna ka dhex dhaliyay xiriirka.

Khadiija Daahir ayaa si adag u sheegtay in warqada xil ka qaadista ay u aragto mid sharci darro ah, islamarkaana ay aaminsan tahay in la doonayo in lagu kala qeybiyo xubnaha xiriirka. Iyada oo sheegtay inay la xiriirtay hay’adaha caalamiga ah si ay u muujiso dareenkeeda kana codsato in la taageero.

Xil ka qaadista Marwo Khadiija Daahir ayaa timid kadib markii ay ogolaatay in gabar ay habaryar u tahay ay Soomaaliya ku matasho tartan caalami ah, Inantii ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed aan wanaagsaneeyn, kaas oo dhaliyay mowjado dhaleecayn ah.

Go’aankani waxa uu sababay fadeexad warbaahinta gobolka iyo tan caalamkaba si weyn loogu jeesjeesay.

Diidmada Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud in shaqada laga ceyriyo waxay muujineysaa loolanka awoodeed ee ka dhex jira xiriirka. Shacabka Soomaaliyeed ayaana isha ku haya sida lagu xalin karo khilaafkaan iyo saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, daneeyayaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaa si dhow isha ugu haya isbeddellada ka socda Xiriirka Ciyaaraaha fudud iyagoo rajeynaya in la gaaro go'aan ilaalinaya daacadnimada isboortiga laguna xaqiijinayo in si cadaalad ah dalka lagu matalo tartamada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM