Soomaaliya: Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Amniga Qaranka?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka, kaasoo maanta uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo muddo saacdo ah socday ayaa looga arrinsanayey Wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana looga hadlay dhameystirka wajigii koowaad oo gabgabo marayo.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ciidamada shisheeye ee ay matalayaan wadamada safka hore ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada wajiga labaad si loo ciribtiro argagaxisada nabadiidka ah.

Wasiirka warfaafinta ayaa cadeeyey in xoreynta magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri uu ka mid yahay wajigii koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana aysan ka qeyb qaadan doonin ciidamada wadamda Safka hore.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay diyaa-garowga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay kala wareegaya Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) howlaha sugidda amniga dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay mowqifka shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada ay u hayaan ciidamada qalabka sida si looga adkaado Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay wasiirka warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM