Soomaaliya : Maxay ahaayeen qaraxyadii laga maqley Muqdisho ?

Image

(GO) - Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta qarxiyay miinooyin lagu aasay wadada hormarta xerada Arbaco ee ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysey aasidda Miinooyinkan si ay ula beegsadaan ciidamada taga xerada.

Saraakiisha amniga ayaa inoo xaqiijiyey in Ciidamada Qalabka Sida ay ku baxeen goobtaasi, si ay uga soo saaraan Miinooyinka iyaga oo isla goobtii ku qarxiyey, waxaana taas ka dhashay in jugta qaraxa laga maqlo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiisha ka tirsan laamaha ammaanka, qaraxyadaasi ma jiraan wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay, halka Dowladdu aysan weli soo bandhigin xog rasmi ah.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay xaalad amni xumo, kadib markii Al-Shabaab ay u suuragashay in weeraro soo noq-noqda ay ku qaadaan xerada Arbaco.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka markii ay weerareen maalmo ka hor, iyagoo calankooda ka taagay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM