Soomaaliya: Maxkamada racfaanka oo xukun ku riday 36 ajnabi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay xukun ku saabsan 36 ajaaniib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Soomaaliya, kuwaas oo horay racfaan uga qaatey xukunka Maxkamada Gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa ka heystay shatiyo kallumeysi ah Dowlada Galmudug, balse sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in dowladda federaalka ay tahay dhinaca kaliya ee loo fasaxay bixinta shatiyada kallumeysiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda oo ah in ay bixiyaan lacag dhan $432,000, taasi oo ka dhigan in mid walba uu bixiyo 12,000$.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in lala wareego hantidii ay wateen oo ka kooban laba doomood, iyo 24,850 tan oo kalluun ah, kuwaasoo horey dawladdu iibisey.

Maxkamada ayaa sidoo kale laashay go’aanka ah in ay bixiyaan ganaax dhan 30,000 oo doolar, waana qiimaha kalluunka ay xadeen bishii November ee sanadkii hore.

Kalluumaysatadan ayaa ah 36 qof oo ay ku jiraan 33 u dhashay Iran iyo 3 u dhashay Pakistan. Ciidamda amaanka ayaa soo xirey Iyaga iyo labada doomood ee ay wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM