Soomaaliya: Maxkamada racfaanka oo xukun ku riday 36 ajnabi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saartay xukun ku saabsan 36 ajaaniib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Soomaaliya, kuwaas oo horay racfaan uga qaatey xukunka Maxkamada Gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa ka heystay shatiyo kallumeysi ah Dowlada Galmudug, balse sharciga Soomaaliya ayaa dhigaya in dowladda federaalka ay tahay dhinaca kaliya ee loo fasaxay bixinta shatiyada kallumeysiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda oo ah in ay bixiyaan lacag dhan $432,000, taasi oo ka dhigan in mid walba uu bixiyo 12,000$.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in lala wareego hantidii ay wateen oo ka kooban laba doomood, iyo 24,850 tan oo kalluun ah, kuwaasoo horey dawladdu iibisey.

Maxkamada ayaa sidoo kale laashay go’aanka ah in ay bixiyaan ganaax dhan 30,000 oo doolar, waana qiimaha kalluunka ay xadeen bishii November ee sanadkii hore.

Kalluumaysatadan ayaa ah 36 qof oo ay ku jiraan 33 u dhashay Iran iyo 3 u dhashay Pakistan. Ciidamda amaanka ayaa soo xirey Iyaga iyo labada doomood ee ay wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM