Soomaaliya: Mucaawino loo dirtey Galmudug iyo SSC-Khaatumo

Image
Gargaar raashinka ah ayaa qeyb ka ah deeqaha dowladda Russia ugu tabarucdey Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud M. Cabdulle ayaa dekedda magaalada Muqdisho maanta ka amba-bixiyay gargaar raashin ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Russia ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, abaaraha iyo fatahaadda cimilada El-Nino wax-yeelleeyeen.

Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug oo ku dhawaad sanad ay ka socdaan dagaallada dib u xoreynta dalka iyo maamulka Khaatumo oo sanadkaan dhammaadka ah qoysas badan goryahooda ka barakaceen kadib colaadihii magaalada Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in deeq-bixiyayaasha iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay si weyn uga soo jawaabeen baaqyada gurmadka, isla-markaana uu hay’adda soo gaaray raashin ku filan gobollada dalka oo dhan.

Sida uu xusay Guddoomiyaha, qorshada SoDMA ee shanta sano ee soo aaddan ayaa ah, in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiragaliyo lagana gacan siiyo sidii ay u maal-gashan lahaayeen mashaariicda dhisaysa adkaysiga iyo la qabsiga musiibooyinka, ka soo kabashada iyo horumarka, si looga baxo baahida iyo gacan hoorsiga.

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa hore waxa xusid mudan in sidaan oo kale doomo iyo gawaari sida shixnado gargaar ah waxa ay ugu dirtay maamulada puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo maamulka Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM