Soomaaliya oo beenisay in ay muddo kordhin u raadineyso ATMIS

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli shir looga hadlayo masiirka howlgalkan uu ka bilowday Uganda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin dhawaan lagu daabacay wargeyska The East African ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya labo sano dheeraad ah wixii ka dambeeya 31-ka December 2024-ka oo qorshuhu yahay in ay baxaan.

Laakiin, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Xuseen Sheekh Cali, ayaa beeniyay sheegashadaas, waana xaalad muujineysa cakiranaan ku wareegsan masiirka howlgalka ATMIS-ka.

“Tani waa warbixin been abuur ah, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay ka qaado ATMIS maadaama ay u xilsaartay UNSC qaraarada 2628 & 2670 marka la gaaro December 31, 2024. Waxaan diiradda saareynaa wixii ka dambeeya ATMIS-ka," ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee ka socda dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ayaa todobaadkan kulan uga bilowda magaalada Kampala ee dalka Uganda, si ay dib u eegis iyo qiimeyn ugu sameeyaan howgalka.

Shirkanoo soconaya muddo afar maalmood ah, oo soo billowday 24-kii Abriil, 2023, ayaa waxaa goobjooga ah mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Midowga Afrika, Xarunta Dhexe ee ATMIS, Waddamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Soomaaliya, iyo Wakiillo ka socda Soomaaliya iyo caalamka.

Ujeedka shirka ayaa ah in laga wada tashado sidii loo dhaqan gelin lahaa dhimista ciidamada ATMIS, iyadoo wajigiisii ​​hore uu ahaa in 2,000 oo askari laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha June 2023 iyadoo dib loo eegayo waqtiga.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah u taageeray go’aanka Midowga Afrika ee ah in la qaato hab istiraatijiyadeed oo tartiib tartiib ah, si lamid ah waax-qayb-qayb ah loo wajahayo dhimista ciidamada illaa ay askarta ay gabi ahaanba kawada baxayaan Soomaaliya dhammaadka sanadka 2024-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM