Soomaaliya oo codsatey in dib loo dhigo ka bixitiaanka Ciidamada ATMIS ee dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya kadib “dib u dhacyo waaweyn” oo ay kala kulmeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ku codsaday warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku taariikheysneyd 19-kii September in ka bixitaanka loo qorsheeyay 30-ka September dib loo dhigo muddo 3 bilood ah, si ciidamada Soomaaliya ay fursad ugu helaan inay dib isugu aruursadaan.

Waxa uu intaa ku daray in weeraradii kooxda Al-Shabaab ay 26-kii bisha August ku qaadeen Gobolka Galgaduud sababay in Ciidamada Dowladda ay isaga baxaan magaalooyin dhowr ah oo ay dhawaan maamulayeen.

"Dhacdooyinkan aan la fileyn waxay culeys ku keeneen ciidamadeena milateriga, waxayna soo bandhigtay daciifnimada ka jirta furimaha hore ee dagaalka.” ayuu qoray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu waday inuu fuliyo wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya 30-ka bisha September, ka dib markii ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ku wareejiyeen 7 Saldhig oo ay ku sugnaayeen, isla markaana ay la baxeen laba kun oo askri 30-kii bishii June.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM