Soomaaliya oo difaacdey heshiis ay la gashay dowladda Kenya

Image
Heshiiskan ayaa waxa uu xuquuq gaar ah siinayaa shirkado diyaaradeed oo ‘la cayimay’.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada galay heshiis dhinaca hawada ah, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo kal aduwan oo u dhuun-daloola qaddiyadan.

Heshiiskan ayaa waxa uu u ogolaanaya shirkado diyaaradeed oo ‘la cayimay’ oo ka kala socda laba dal inay maamulaan duulimaadyada magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Balse shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa ka cabsi qaba heshiiskan, maadaama ay ka walaacsan yihiin in heshiiskan uu abuuro isku dheelitirnaan la'aan dhanka hawada ah, taasoo ugu dambeyn keeni karta in shirkadaha Soomaalida laga saaro suuqa.

Balse wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa difaacdey heshiiskan buuqa xooggan dhaliyey kaasoo ay u saxiixday Soomaaliya.

Wareysi ay siisey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayay ku sheegay in heshiisku uu ilaalinayo shirkadaha Soomaalida, mana khuseeyo duulimaadyada gudaha.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga xuduud dhanka cirka iyo bariga ah taas oo khatarta ugu weyn ay uga imaaneyso kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM