Soomaaliya oo guulo ka sheegatay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Weerarka dhinaca cirka ah ayaa waxa uu dhacay inta u dhaxeysa Gofguduud iyo Waajid.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku warameysa in labo howlgal oo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanada Goofguduud iyo Waajid ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana lagu dilay 45 maleeshiyo.

Saraakiisha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka warbixiyay duqeyn cusub oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab taas oo dhacdey Arbacadii.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Sareeye Guuto Xasan Isaaq Cumar ayaa VOA u sheegay in weerarka cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa Gofguduud iyo Waajid.

Cumar ayaa tibaaxay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhashay duqeynta. Waddada isku xirta Gofguduud iyo Waajid ayaa lagu aasay qaraxyo, kuwaasoo la sheegay in ciidamada ay ku xaddideen howlgallo kale.

Dhinaca kale, xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Waajid Talaadadii lasoo dhaafay. Warbaahinta taageerta al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal la sheegay in uu ka turjumayo weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM