Soomaaliya oo la filayo in maanta laga qaado cunaqabateynta hubka 32 sano kadib!

Image
15-ka xubnood ee golahan ayaa laga sugayaa in ay u codeyaan qaraarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta u codeynaya in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib cunaqabateynta hubka ee dalka lagu soo rogay.

15-ka xubnood ee golahan ayaa laga sugayaa maanta oo Jimce ah in ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Ingiriiska oo kala ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo in cunaqabateyn lagu soo rogo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda dagaalka kula jira ‘AS’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay in bilowga bisha December Soomaaliya laga qaadi doono cunaqabateynta hubka, xilli uu la hadlayay labada gole ee Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM