Soomaaliya: Saaxir 60 jir ah oo Dumarka kufsada oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada gobalka Banaadir ayaa maanta ku riday xukun xabsi 10 sano ah ninkaan oo ay ku heshay eedihii ay maxkamadu usoo jeediyay.

Abuubakar Maxamed Xasan "Shooble" oo da'da 60 jir ah ayay maxkamadu ku heshay in uu Sixir u adeegsan jiray haweenka la qabo isla markaasina uu ka duubi jiray muuqaalo Anshax xumo ah.

Gudoomiyaha maxkamada gobalka Banaadir, Saalax Dabaan oo ku dhawaaqay go'aanka maxkamada ayaa sheegay in ay ku heleen ninkaani sadex eedood oo loo soo jeediyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dar-dar gelinaysa wax ka qabashada tacadiyada haweenka ka dhanka ah kuwaasi oo badankood ku lammaan Maandooriyaha oo kooxaha isticmaala ay ku kacaan falal anshax xumo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM