SSC-Khaatumo & Somaliland oo ku dagaalamay G\Sool

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa ka soo baxaaya dagaal xoogan oo saaka dhaxmaray taliska Muuse Biixi iyo Ciidamada Maamulka SSC-Khaatumo, iyada oo la warinayo in uu sababay dagaalka.

Dagaalka ayaa gaar ahaan ka dhacay tuulada Buqdharkayn isagoo qaatay sacaado' waxayna labada dhinac ay is waydaarsadeen rasaas aad u culus oo meela fogna laga maqlaayay.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in Somaliland ay weerar ku soo qaaday Ciidamada SSC-Khaatumo oo horay ula wareegay tuuladaan, iyadoo weerar dhowr jiho ah ku soo qaaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku sii daraya in dagaalka sii xoogaysanaayo kaas oo ku faafay duleedka tuulada, waxaana aagaas laga maqlayaa rasaas aad u xogan.

Jawiga ayaa hada ah mid aad u cakiran mana jiro wax hadal ah oo ka so baxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo in kastoo la arkaayay muuqalo gosgos ah oo baraha bulashada la so galiyay.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa bilowday muddo sanad ka hor ah kaas oo ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac, burbur, iyo barakac, in kastoo maalmahaan ay daganayd xaalada gobalka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM