SSC oo markale Midnimada horseeday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa gaaray magaalada caasimada Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, Muqdisho iyada oo ay garoonka kusoo dhaweeyay Gudoomiye xigeenka aqalka sare, Sen Timacade, Wasiirka Arimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo xubnaha labada aqal oo ay wehliyaan dhaqanka gobalka Banaadir iyo bulsho kale.

Firdhiye oo Diyaarada kasoo dagay isaga oo lulaya calanka Jamhuuriyada ayaa lagu tilmaamay tilaabo markale xaqiijinaysa dhamaadkii riyada gooni goosadka ee gobalada Togdheer iyo waqooyi galbeed.

Wasiirka Arimaha gudaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Faqi ayaa sheegay in Halgankii SSC-Khaatumo uu guuleystay isla markaana ay ka doonayaan in ciidamada ay kusoo biiriyaan SSC-Khaatumo kuwo koonfurta dalka ka wada hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Shacabka SSC-Khaatumo iyo golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa iyagu Halbowle u noqday dib u saldhigida Midnimada jamhuuriyadda taasi oo ay dowlada federaalku bogaadisay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in maamulka SSC-Khaatumo iyo dowlada federaalku ay wada hadalo yeeshaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM