Taliska Danab oo iska-fogeeyay colaadda magaalada Laascaanood

Image
Ciidamaddan uu Mareykanka tababaray ayaa sheegay in aysan "waligood ka qeyb-galeyn dagaal beeleed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Danab ee uu Mareykanka uu tababaray ayaa beeniyay in mid ka mid ah askartooda uu ku lug leeyahay coladda ka taagan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Beeryare, oo war-saxaafadeed ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in shaqsiga la hadal-hayo uu goor sii horeysay ka ruqeysaystay askarta Danab "sababo shaqsi".

"Waxaa lagama maarmaan ah in la caddeeyo in shaqsiga lagu sheegay wararkii ugu dambeeyay, Maxamed Sulaymaan, uu ahaa sarkaal hore kana baxay Danab 2021 arrimo shakhsi ah aawadeed," ayuu tibaaxay.

Beeryare oo qoraalkiisa uu dheer yahay ayaa hadalkiisa waxa uu intaas kusii daray: "Danab waxaa ay si buuxda uga go'an in ay ku taagnaato ujeedada loo aas-aasay mana geli doonto wax dagaal beeleed ah".

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer waxa uu ku celceliyey in colaadda Laascaanood ay qeyb ka yihiin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan cutubyo kumaandoos ah.

Washington ayaa kamid ah darafyadda ku cadaadinaya maamulka Hargeysa in uu xabada ka joojiyo dadweynaha Laascaanood isla markaana uu ogolaado xabad-joojin iyo wadahadalo lagu soo gabagabaynayo colaada.

In ka badan 200 ruux oo u badan shacab ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dagaalkan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay soconaya. Hay'adaha gargaarka waxay wariyeen in dad ka badan 80-kun kale ay ku barakaceen dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM