Tirada Soomaalida Kenya oo sii kordhaysa

Image

NAIROBI - Bulshada Soomaalida Kenyaanka ayaa tiradoodu kordhaysaa sanad kasta.

Tirakoobkii ugu danbeeyay ee 2019 laga sameeyay Kenya ayaa lagu sheegay in Soomaalida Kenyaanka ah ay ku dhawdahay tiradoodu 3 malyan oo qof isla markaana ay yihiin qowmiyada sadexaad ee dalkaas.

Balse Maxamed Guuleed "Simba" Gudoomiye xigeenkii hore ee maamulka Isiolo ee dalkaasi ayaa ku doodaya in soomalidu ay noqon karto bulshada labaad ee dalkaasi.

"Waxaan rumeysnahay anigu in Soomaalidu ay noqon karto bulshada labaad ee dalka marka la eego baaxadda bulshadeena".

Sanadahaan danbe ayaa sidoo kale waxaa si xowli ah u kordhay maalgeshiga Soomaalida ee gudaha Kenya gaar ahaan ganacsiyada Dhulka iyo guryaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM