Turkiga oo "dardargelinaya" tababarida booliska Soomaaliya

Image
Image
Image
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa qaabilay saraakiil Turkish ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Axada maanta ah waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dowladda Turkiga.

Kulankan ayaa daarnaa sidii loo dardar-galin lahaa tababarada iyo tayeynta Ciidanka Booliska iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

"Saraakiisha oo ka socday Turkiga ayaa sheegay in ay ka go'an tahay dar-dar-galinta tababarida iyo tayeynta ciidanka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Firin.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraakiisha iyo Dowladooda sidda ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Tababarada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad".

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada joogtada ah siiya ciidamadda Soomaaliya gaar ahaan booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad kuwaasoo loogu talagalay rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM