UN-ka oo baaq kasoo saarey hadalkii guddiga doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku leeyahay Muqdisho ayaa kaga mahadceliyey Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan qodobada ay soo jeediyeen ee la xiriira coddeynta sanadka 2020-21.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa talooyinkaas ku sifeeyay "kuwa farsamo oo u baahan in heshiis laga gaaro".

"UNSOM waxay kaga mahadcelineysaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Xaliima Ismaaciil Ibraahim, soo jeedinteeda xulashooyinka farsamo si loo gaaro in Soomaalida coddeeyaan horaanta Maaj, 2020," ayaa la yiri.

Bayaanka kooban oo luuqada English-ka lagu faafiyey ayaa lagu taageeray shirka la filayo in ay dhowaan Muqdisho ku yeeshaan dowlada iyo maamulada.

"Hadda guddiga gudoomiyaha doorashooyinka Soomaaliya, Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxay soo bandhigtay xulashooyin doorasho, UNSOM waxay dalbaneysaa wadatashi ay ka yeeshaan saamileyda siyaasada Soomaaliya si ay is-afgarad uga gaaraan horeyna loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah waa talaabo u wanaagsan waxa xiga," ayaa lagu soo koobay war-saxaafadeedka kasoo baxay UNSOM.

Shalay ayay ahayd markii guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya uu shaaciyey in cod-bixinta qorshuhu ahaa in ay waqtigeeda ku qabsoonto aysan dhici karin, waxayna soo jeediyeen laba nooc doorasho iyo waqtiga.

Nooca koowaad oo u baahan waqti badan iyo dhaqaale ayaa ah diiwaan-gelinta casriga ah waxayna xuseen in ay qaban karaan bisha August, 2021.

Qaabka labaad oo ah diiwaan-gelinta gacanta isla markaana dhaqaalaheeda yar yahay ayay tibaaxeen in ay hirgelin karaan bisha Maaj ee sanadka dambe.

Xilli hadalka guddiga uu ka muuqdo waqti ku darsi loo sameeyo madaxda fadhisa Villa Soomaaliya, Dowlad goboleedyadda, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka ayaa horey meesha uga saarey dib u dhac iyo muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM