Doorashada dalka oo la shaaciyey in aysan xilligeeda ku dhici karin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey in cod-bixinta soo aadan aysan waqtigeeda ku dhici karin. Coddeynta waxaa lagu wadday in ay dhacdo November.

Doorashadaan waxaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod ah, balse waxaa muuqatay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay in ay muddo xileedkeeda ku qabato arrintaas.

Xaliima Ismaaciil, gudoomiyaha guddiga, ayaa Sabtida ah maanta ah waxay u soo bandhigtay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah laba nooc doorasho iyo waqtiga ay ku qaban karaan.

Nooca koowaad oo ah mid ku saleysan diiwaan-gelinta casriga ah kuna saabsan qof iyo cod ah ayay daboolka ka qaadey in ay hirgelin karaan bisha August ee sanadka soo aadan 2021-ka.

Sidda laga soo xigtay Xaliima Yarey, noocaan doorasho ayaa u baahan miisaaniyad ama dhaqaale badan isla markaana muhiim ay tahay in loo helo sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

Sidoo kale, nooca labaad ayay ku sheegtay diiwaan-gelin gacanta ah isla markaana waxay carabka ku adkeysay in ay qaban karaan bisha Maaj ee isla sanadka nagu soo fool leh ee 2021-ka.

Diiwaan-gelintaan ayaa ka dhaceysa goobta coddeynta, waxaana uu ku qabsoomi karaan muddo sagaal bilood ah oo ka bilaabaneysa 20-ka bisha soo aadan ee July sanadkan aynu ku jirno.

Sikastaba, hadalka guddiga doorashooyinka ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah maamulada iyo xisbiyadda mucaaradka ay horey u sheegeen in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod kana digeen muddo kororsi.

Hoos ka akhriso khudbadda Xaliima Yarey

No photo description available.

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Shir Degdeg ah isagu yeeray Gollaha Wasiirrada

Hamza ayaa ku mashquulay isku-shaandheyn xili dalka uu galay xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo deg deg ah.

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 07:46AM

Xasan Sheekh oo doorashadda qof iyo codka ka dhiganaya sabab uu ku dheereysana muddo xileedkiisa

Maraykanku horey ayuu u yareeyay taageerada uu siiyo Ciidanka Danab, iyadoo niyadda ciidanku hoos u dhacday.

  • Soomaliya

    31-05-2025

  • 04:48PM