UN-ka oo Soomaaliya u sameeyay balanqaad la xiriira ammaanka

Image
Qadiyadan ayaa lagu soo qaadey kulan uu Ra'iisul Wasaare Xamse la yeeshay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay.

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya.

Xamsa Cabdi Barre iyo Catriona Laing oo yeeshay fadhi gaar ah ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada.

Wasiirka koowaad ayaa muujiyey sida ay Xukuumaddiisa uga go'an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Catriona Laing ayaa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska Xamse, waxay dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya.

Laing ayaa waxay tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM

India oo Beenisay Wararka Ku Saabsan Wadahadalka iyo Aqoonsiga Somaliland

Cadeyntan ayaa ku soo beegmaysa xilli dood caalami ah oo xasaasi ah laga wado xaaladda Somaliland.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:30AM