Wafdi ka socda dowlada Federaalka Somalia oo gaarey Kismayo

Image
Image
Image

Kismayo ,Somalia August 25, 2014 (Garowe Online)-Wafdi ka kooban Wasiiro iyo xubno ka tirsan urur Goboleedka IGAD ayaa galabnimada Isniinta 25 August,2014 gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland.

Cabdulahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka Somalia ayaa hogaaminayay wafdigaan waxana socdaalka ku wehliyey Wasiirka Maaliyada dowalada Federaalka Soomaliya Xuseen Cabdi Xalane. Wafdiga waxaa sidoo kale kamid ahaa laba xubnood oo ka socda urur goboleedka IGAD.

Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweyay Kismaayo Wasiirro ka tirsan maamulka Jubaland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Warsame Darwiish, Macallin Maxamed Wasiirka arrimaha Bulshada iyo Afhayeenka maamulka Cabdinaasir Seeraar Maax.

Afhayeenka maamulka Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga caawa ku hoyanayaan madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Wadahadal diirada saaraya qodabada ka qabsoomey iyo kuwa dhiman heshiiska Addis Ababa ee u dhexeeyey maamulka Jubaland iyo dowlada Fedraalka ayaa Madaxtooyada ka furmaya maalinta berri ah.

Wasidaha Garowe Online ka soco wararka kasoo kordha kulankaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM