Mas’uuliyiinta Masar iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Image

Cairo, Masar – Qorshayaasha ku saabsan dirista ciidamada Masar ee Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka (AUSSOM) ayaa noqday qodobka ugu muhiimsan ee shir u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, oo ka dhacay Qaahira.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay hababka iyo qorshayaasha loo diyaarinayo in ciidamada Masar ay ka qayb qaataan hawlgallada AUSSOM, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika iyo beesha caalamka loogu jiro taageeridda iyo xasilinta Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu faaqiday sida iskaashiga Milatari iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Masar iyo Midowga Afrika uu u xoojin karo amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Waxaa la filayaa in tallaabooyinka laga gaari doono kulankan ay saameyn toos ah ku yeeshaan hawlgallada AUSSOM, iyadoo Masar ay ka mid tahay waddamada muhiimka ah ee ka qayb qaata taageerada ciidanka iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM