Mas’uuliyiinta Masar iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Image

Cairo, Masar – Qorshayaasha ku saabsan dirista ciidamada Masar ee Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka (AUSSOM) ayaa noqday qodobka ugu muhiimsan ee shir u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, oo ka dhacay Qaahira.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay hababka iyo qorshayaasha loo diyaarinayo in ciidamada Masar ay ka qayb qaataan hawlgallada AUSSOM, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika iyo beesha caalamka loogu jiro taageeridda iyo xasilinta Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu faaqiday sida iskaashiga Milatari iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Masar iyo Midowga Afrika uu u xoojin karo amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Waxaa la filayaa in tallaabooyinka laga gaari doono kulankan ay saameyn toos ah ku yeeshaan hawlgallada AUSSOM, iyadoo Masar ay ka mid tahay waddamada muhiimka ah ee ka qayb qaata taageerada ciidanka iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM