Wariyayaasha SSC-Khaatumo oo la faray in aysan la shqeyn Tv-yada Somaliland

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Ururka ًWarbaahinta SSC-Khaatumo ayaa soo saaray bayaan ay ka mamnuucayaan suxufiyiinta SSC-Khaatumo inay ka shaqeeyaan TV-yada Somaliland, iyaga oo ku sababeeyay inay ka baxeen “anshaxii Saxaafadda” sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ururka ayaa lagu yiri:

“Waxaan ku wargelineena dhamaan wariyeyaasha inaysan ka howlgeli karin Tv-yada laga leeyahay Somaliland ka dib markii ay ka baxeen anshaxii saxaafadda, si badheedh ahna ula safteen maamulkooda.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in TV-yada Somaliland aysan dhex dhexaad ahayn, balse maamulka Somaliland uu u adeegsado faafinta wararka iyo dacaayadaha.

Ururka ayaa ku eedeeyay Tv-yada Somaliland in ay la dagaalamayaan shacabka iyo maamulka SSC-Khaatumo, kadib markii ay dafireen maamulka.

Ururka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay warbaahinada SSC-Khaatumo in wax wada shaqeyn ah dhex marin Somaliland, maadaama aysan waafaqsaneen siyaasada maamulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM