Wariye Bulbul oo dhawaan damiin lagu sii daayay ayaa laga dayrinayaa xaaladdiisa caafimaad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqul Insaanka ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Maxamed Ibraahim Bulbul,, ayaa lagu sii daayay damiin ka dib markii si deg deg ah loo dhigay isbitaal sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad oo ka sii dartay, isagoo ku jira xabsi sharci darro ah, sida ay sheegayaan uruada u dooda Suxufiyiinta.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo damiin ku sii daayay Bulbul ayaa ku wargeliyay qareennada difaacayay in dacwaddiisa la dhageysan doono Arbacada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11-ka Oktoobar, 2023.

Xariga Bulbul waxa uu bilowday 17-kii Agoosto, maalin kadib markii uu sii daayay warbixin ku saabaasn eedeymo musuqmaasuq oo loo soo jeediyay booliiska Soomaaliya, wixii xilligaasi ka dambeeyay waxa uu ku xirnaa xabsiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waaxda dambi baarista booliska iyo saldhiga degmada Xamar Jajab waxaana 28-kii bishii September loo gudbiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 25-kii bishii hore ee September laashay 7-dii eedeymo ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo sheegtay in Suxufinimada aysan dambi ahayn, Bulbulna aan lagu soo oogi karin xeer ciqaabeedkii dhacay.

Ururka SJS ayaa ugu baaqday dhammaan dadka u dooda xorriyadda saxaafadda iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha inay sii wadaan dadaallada ay ku cambaareynayaan rabshadaha iyo hanjabaadaha ka dhanka ah Bulbul iyo saxafiyiinta kale ee dhibaato kala kulma warbixinada ay sii daayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM