Wasaaradda caafimaadka DFS oo shardi ku xirey in daawooyin dalka la keeno

Image

(GO) - Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabayso la socodka dawooyinka warshadaysan, daawo-dhireedka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

Wasaaradda ayaa go'aankan ku wargelisay ganacsatada soo dejisa badeecadaha la xiriira caafimaadka iyo dawooyinka la isku qurxiyo, sida ku xusan bayaanka ay soo saartey.

Xakameynta dawooyinka ayaa dhinacyo badan taabaneya waxaana ka mid ah bixinta ogollaanshoyaha soo dejinta, iyo la sacoshada dawooyinka suuqa lagu iibineyo iyo hubinta waxtarkoodii.

Ujeedka go'aankan ayaa lagu sheegay inuu yahay in sare loo qaado daaweynta bukaanada & kalsoonida ay bulshadu ku qabaan dawooyunka dalka loo soo dhoofiyo.

Go’aankani waxa uu qayb ka qaadan doonaa in la dhimo dawooyinka dhacay, kuwa tayadoodu liidato ama aan loogu talagelin in suuqa lagu wareejiyo. Halka maanta si cad loogu iibiyo goobaha caafimaadka.

Taas oo keentay xaalad kalsooni darro ah oo u dhaxaysa macaamiisha iyo ganacsatada, waxayna si xun u saamaysay xaaladda caafimaad ee dadweynaha, iyada oo aanay jirin cid ka hortagta xad-gudubyada noocaas ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM