Wasiir Fiqi oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya-Somaliland farriin adagna u diray Abiy Axmed

Image
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Maamulka gobolka Banaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qeyb galay Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga soo horjeeday damaca Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabada ayaa caddeeyay dhibaatooyinka uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka abuuray gobolka sanadihii la soo dhaafay, isagoo carabka ku adkeeyay in Heshiis beenaadkan uu ka dhigan yahay in uu “ictiraaafkii kala laabtay dowladda Soomaaliya.”

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa tilmaamay in Itoobiya ay ku fashilmeen in ay gacanta ku dhigaan dhul ka mid ah Soomaaliya, isla markaana cadeeyay in dhulkii ay dagaal ku heli waayen aysan maanta ku heli doonin heshiisyo.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Maamulka gobolka Banaadir, iyaga oo farriimo culus u jeediyay nidaamka Abiy Axmed oo heshiis beenaad ah la saxiixday Somaliland.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM