Wasiir horey xil uga soo qabtey HirShabelle oo lagu dilay Muqdisho

Image
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda mas’uuliyadda khaarijinta mas'uulkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxo hubeysan ayaa Isniintii shalay ahayd waxa ay degmada Yaaqshiid ku dileen Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle, Xasan Axmed Muudeey.

Sida dadka deegaanka ay sheegeen, ragga dilka geystay ayaa waxa ay beegsadeen Muudey wax yar kadib markii uu ka soo baxay Masjidka oo uu ku soo tukaday Salaadii Casir.

Dableyda dilka geysatay ayaa waxaa u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka oo baaritaan sameeyay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan.

Marxuumka ayaa horay u soo qabtay xilka Wasiirka Beeraha, xilligii Madaxweynihii labaad ee Hirshabeelle, Dr. Maxamed Cabdi Waare, oo hadda ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta iyo xasilinta rayidka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wasiirkii hore, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska Muudeey.

Dhacdadaan ayaa timid hal maalin un kadib markii Daahir Maxamed Kaanti oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda hoose ee Jowhar uu ku dhintay qarax miino oo ka dhacay suuqa xoolaha ee magaaladaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM