Wasiirka Batroolka dowladda Soomaaliya oo su'aallo adag la waydiiyey

Image
Cabdirisaaq ayaa hortagay Guddiga Kheyraadka Dabiiciga & Bii’ada ee Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa hortagay Guddiga Kheyraadka Dabiiciga & Bii’ada ee Golaha Shacabka.

Maxamed oo wajahay su'aallo culus oo uga yimid mudaneyaasha Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah waxaa wehliyey Agaasimaha Guud ee wasaradda Batroolka iyo macdanta.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay golaha, wasiirka ayaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha hortabinta u leh wasaaradda iyo shaqooyinka u qabsoomay.

"Shaley oo ay taariikh-du ku beegneed 06/08/2023 Guddiga Kheyraadka Dabiiciga & Bii’ada ee Golaha Shacabka oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa Xafiiska Guddoonka iyo Guddiyada ee villa hargeysa ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Cabdirasaaq Cumar Maxamed oo uu wahlinayay Agaasimaha Guud ee wasaradda Batroolka iyo macdanta," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Kulanka oo ay shir guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Marwa Abdi Bashiir ayaa wasiirka wasaaradda looga dhageystay warbixinno ku saabsan Howlaha hortabinta ulah wasaaradda iyada oona su’aallo laga weydiiyay. Gabagabadii kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan iyo waajibaad kala qaadasho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM