Wasiirka caafimaadka oo dib u furay qaybta qaliinka ee isbitaalka Martiini

Image
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen dib u howlgelinta Isbitaalka.

MUQDIHSO, Soomaaliya - Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xarriga ka jaray qeybta qaliinka guud ee isbitaalka Martiini, ka dib howlo dayactir ah oo laga sameeyay qeybaha qalliinka iyo gargaarka degdega ah, kuwaasi oo uu burbur xooggan ka soo gaaray dab ka kacay Isbitaalka inta lagu guda jiro bisha March ee sanadkan (2023).

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso sida isbitaalada iyo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah, dadaalka ay ku bixiyeen dib u howlgelinta Isbitaalka DiMartino.

Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimayaasha isbitaalada, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka, Xoghayaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirku waxa uu shahaado guddoonsiiyey xubno ka socday Golaha iyo guddigii dedaalka u galay dib-u-habaynta qaybta qalliinka iyo qaybta gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM