Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay xubannimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay noqoto Xubintii 8-aad ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Koonfurta Suudaan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qoraal ku sheegay:

“Kadib habraac adag oo qiimeyn ah, codsiga xubinnimada Soomaaliya ayaa la filayaa in la ansixiyo. Ku biirista EAC waxay keenaysaa mashaariic kaabayaal dhaqaale, fursado maalgashi, waxayna fududayn doontaa isu socodka dadka iyo badeecadaha.”

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajaynayso in ay ka barato EAC hab-dhaqanka ugu wanaagsan ee dimuqraadiyadda iyo dawladnimada.

Bulshada Bariga Afrika ayaa ka taageeray Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada, sidoo sheegay wasiirka, oo intaa ku daray in wadamada EAC ay qeyb ka yihiin Ciidamada Nabbad Ilaalinta ee ka howlgala dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM