Wasiiro ku biiraya Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la dhaariyay

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu ku dhawaaqay magacaabida xubnahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa goobjoog ahaa dhaarinta labada xubnood oo ka mid noqanaya Golaha Wasiiradda.

Labadan xubnood ayaa kala ah Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, iyo Axmed Jaamac Cumar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Aadan Madoobe ayaa xubnahan ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda waxaa uu kula dardaarmay in xilkooda ay u gutaan si daacad ah uguna adeegaan Shacabka Soomaaliyeed si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad, isagoona u rajeeyay in Alle ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu ku dhawaaqay magacaabida xubnahan taasoo meesha ka saartey laba boos oo ka banaanaa xukuumadiisa isla markaana ay si weyn indhaha ugu hayaan dhamaan siyaasiyiinta xil raadiska ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM