Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Doodishe

Image

DOHA (GO) - Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ku wareejiyay Sultan bin Saad Al Muraikhi Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibada ee Qatar.

Munaasabadan ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee caasimadda Qatar, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan hab-maamuuska iyo diblomaasiyiin.

Safiirka ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in aan Soomaaliya ku matalo Dowladda Qatar, iyadoo la eegayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal, waxaana ka shaqeynaya xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya in uu ku guuleysto xilka loo igmaday, si ay u xoojiyaan xiriirka walaaltinimo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM