Webiga Shabelle oo ku fatahay magaalada Beledweyn

Image

BELEDWEYN, Soomaaliya - Magaalada Beledweyn ayaa maanta waxaa ka dhacay daadad ku soo rogmaday guryaha dadka ku nool xaafadaha Xaawo Taaku iyo Kooshin iyo Buundaweyn.

Daadadkan ayaa sababay in dad badan oo magaalada deggan ay u barakacaan duleedkeeda, waxayna sidoo kale saameyn toos ah ku yeesheen isu socodka dadweynaha.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada Beledweyn ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin Daadadkan iyo saameynta ka dhalatay.

Daadadka noocan ah ayaa dhowr jeer ku soo noqnoqday magaalada Beledweyn sanadihii u dambeeyay, mana jiraan dadaalo la taaban karo oo looga hortagayo.

Gobolo kala duwan oo dalka ah ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay daadad ka dhashay roobab xooggan, taasoo sababtay dhimashada 19 qof, sida lagu sheegay tirakoobkii ugu dambeeyay ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM