Weerar ciidan ajnabi ka qeybgaleen oo lagu qaadey 'AS'

Image

SHABEELLOW, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Shabeellow ee dhaca koonfurta gobolka Mudug, waxa ayna ku dileen dagaalyahano dhor ah oo ka tirsan kooxda ‘AS’, waxaana weerarka ka qeyb qaatay ciidamo ajnabi ah.

Weerarka ayaa lala beegsaday xubno ku dhuumaaleysanayay godad ku yaalla howdka ku xeeran Shabeelloow, waxaana u suuragashay inay guulo la taaban karo ka gaaraan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Bayaan ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheeegay in,ujeedkoodu ahaa in ay burburiyaan gaadiid ay lahaayeen ururka ‘AS’ oo saarnaa agab ciidan iyo waxyaabo kale oo muhiim ah sida raashin, biyo, iyo dawooyin.

Ciidamada dowladda ayaa gubay dhammaan gaadiidkii ay saarnaayeen agabka muhiimka u ahaa ‘AS’, xilli ay kooxdu la daala dhaceyso weeraro isdabajoog ah oo lagu beegsanayo goobaha ay kaga sugan yihiim gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday degaanka Shabeelloow, halkaasoo ay iska caabin xooggan kala kulmeen xubno ka tirsan ‘AS’, kuwaasi oo difaacyo ka sameystay deegaankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM