Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo loo dalbay lix sano xarig ah

Image
Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya eedeyn ah inuu geystay "dhimasho ku timid dayacaad".

ISTANBUL, Turkey - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa si rasmi ah u gudbiyey dacwad ka dhan ah Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, wiilka Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu geystay "dhimasho dayacaad ku timid". Xeer Ilaaliyaha ayaa codsaday in Maxamed lagu xukumay ilaa lix iyo sano oo xarig ah.

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore waxa uu bartamaha Istanbul gaari ku jiirsiiyay mootoole Yunus Emre kaasoo markii dambe u geeriyoodey dhaawaca shilkaas.

Sidda laga soo xigtay baaritaanka xeer-ilaalinta, dhimashada marxuumka waxay ahayd si toos ah uu ugu lug leeyahay wiilka madaxweynaha Soomaaliya markii uu ku dhuftey gaariga.

Dacwadda uu gudbiyey Xafiiska xeer ilaalinta Turkiga ayaa ah eedeymo ka kooban ka kooban laba bog, waxaana loo gudbiyay maxkamadda dambiyada ee darajada koowaad.

Shilkan ayaa waxa uu ka dhacay waddada Kennedy ee jihada Aksaray bishii November 30, 2023. Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lahayd safaarada Soomaaliya.

Warbixinta Forensic ee la diyaariyay ayaa sidoo kale waxa ay tilmaamaysaa in Maxamed uu isaga leeyahay qaladka koowaad halka Göcer wuxuu ahaa heerka labaad.

Dhanka kale, warar ay qortay saxaafadda Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in qoyska marxuumka ay ka laabteen cabashadda kadib markii hooyadda Göcer ay la hadashay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM