Xamsa Cabdi Barre oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Image
Wasiirka koowaad ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah hogaamiyeyaal kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada Waajibaadka Xajka.

Xamse oo ka mid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.

Wasiirka koowaad ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM