Xamse: Afar waxyaabood baa hortaagan horumarka Soomaaliya

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay shir uu ka furay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay waxa uu magaaladda caasimada ah ee Muqdisho furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan ayaa kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Xamse ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar waxyaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Wasiirka koowaad ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Ra'iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa tibaaxay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Xukuumaddiisa ayuu tcaddeeyay in ay dhallinyarada u abuurayso fursado shaqo. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayuu ku bogaadiyey abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM