Xamse Barre oo ka qeybgalay xuska Sannadguurada 100-aad ee Jahmuuriyadda Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay Sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Jahmuuriyadda Turkiga, sida lagu daabacay bogga xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu maamusayey sanad-guuradan ayaa ka hadlay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaliya ayaa tilmaamay sida shacabka iyo dowladdeennu ay farxaddooda ula qeybsanayaan, taas oo ka tarjumeysa tiirarka adag ee ka dhexeeya labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM