Xamse Cabdi Barre: Dagaalka ka dhacay Garowe dow ma ahan

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday isku-dhacyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday isku-dhacyadii ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

"Puntland oo hoygii nabadda ah oo dhowr iyo labaatan sano dowlad ahayd in caasimadeeda lagu dirirayo dow ma ahan," ayuu ku yiri nuqul kamid ah hadla-jeedintiisa.

Wasiirka koowaad ayaa hadlakan waxa uu sheegay kahor inta uusan u dhoofin boqortooyadda Sacuudi Carabiya halkaas oo uu halkaas oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka.

"Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliya gudashada Xajka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Dowladda," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka".

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ay shaacisay Villa Soomaaliya, waxa uu ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan maamulka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM