Xamse Cabdi Barre oo doonaya in uu safar shaqo ku tago Indonesia

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa arrinkan waxa uu ka sheegay kulan uu Muqdisho kula yeeshay safiirka Indonesia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa waxa uu muujiyey in uu doonayo booqasho shaqo uu ku tago dalka Indonesia si uu u xoojiyo xiriirka laba geesoodka labada dal, sidda ay daabacdey Mi’raj News Agency.

Xamse ayaa xiisahan waxa uu ku muujiyey kulan uu xafiiskiisa Muqdisho kula yeeshay danjiraha Indonesia, Hery Saripudin, kaasoo caasimadda booqasho ku yimid 8-10 May 2023.

Saripudin ayaa mudadii uu ku sugnaa magaala madaxda waxa uu wadahadalo la yeeshay mas'uuliyiin kale oo ay kamid yihiin wasiirada arrimaha dibadda, ganacsiga, waxbarashadda iyo taliyaha booliska Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale waxa uu wadahadalo la qaatay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM) iyo taliye ku xigeenka booliska UNSOM.

Sidda laga soo xigtey warbixinta Mi’raj News Agency, Hery Saripudin ayaa waxa uu shaaca ka qaadey in ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Indonesia uu sanadkii ku kacayo aduun lacageed dhan 100 milyan oo doolar-ka Mareykanka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhiirageliyey in ay ka shaqeyso geedi-socod dhiiragelinaya in ay meesha ka baxaan caqabadaha ganacsi ee hortaagan labada dal gaar ahaan yagleelida heshiis baayac-mushtar oo joogto ah.

"Dowladda Indonesia ayaa qabyo qoraalka heshiiska PTA u gudbisay dowladda Soomaaliya sanadka 2021-ka, balse wali ma aysan helin jawaab wanaagsan," ayuu hoosta ka xariiqay diblumaasiga.

Ra'iisul wasaare Xamse ayaa waxa uu ka codsadey Indonesia in ay xafiis rasmi ah ka furato magaalada Muqdisho, waxaana uu guddoomay qodobada uu walaaca ka muujiyey danjiraha, isaga oo xusay in ay xal waara u raadin doonan.

Dhinaca kale, danjire Hery Saripudin waxa uu sidoo kale ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay si degdeg ah u soo magacowdey safiirkeeda Jakarta, oo bannaanaa ku dhawaad ​​afartii sano ee la soo dhaafay.

Kulan gaar ah oo uu yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa u sheegay Safiirka Indonesia in dowladda Indonesia ay ka fiirsato fududeynta bixinta dal ku galka dal ku galka ee muwaadiniinteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM